Subax kasta, kumanaan kalluun ayaa laga soo saaraa badda Soomaaliya. Intooda badan waxa ay galaan suuqyada, makhaayadaha, ama guryaha, halkaas oo la kariyo laguna cuno. Laakiin waxaa soo hara madaxa, lafaha, maqaarka iyo caloosha kalluunka. Dad badan waxa ay u arkaan qashin aan laga faa’iideysan karin.
Laakiin waddamo badan oo dunida ah, sheekadu halkaas kuma dhammaato.
Wax aan u naqaan “qashinka kalluunka” ayaa wadamo kale u yaqaannaan “khayraad.” Madaxa kalluunka waxaa laga sameeyaa quudin tayo sare leh oo digaagga, xoolaha iyo kalluunka beeraha lagu quudiyo. Lafaha iyo haraaga calooshana waxaa laga soo saaraa bacrimin dabiici ah oo kordhisa wax-soo-saarka beeraha. Qaybo kale waxaa laga soo saaraa saliid kalluun oo loo isticmaalo warshado kala duwan iyo nafaqooyin caafimaad.
Taasi waxay ka dhigan tahay in qiimaha kalluunka uusan ku ekaan saxanka cuntada. Hal kalluun wuxuu abuuri karaa silsilad dhaqaale oo dheer: kalluumaysatada, gaadiidleyda, ganacsadata, ka dibna beeruhu, iyo warshaduhu waxa ay dib u isticmaalaan wixii haray si ay u soo saaraan badeecooyin cusub agab bacrimin.
Hadda bal is weydii: haddii Soomaaliya maalin kasta ay badda ka soo saarto kumannaan tan oo kalluun ah, intee la’eg oo fursado dhaqaale ah ayey abuuri lahayd, taasoo naga lunta marka aan haraagaas iska tuurno?
Casharka maanta waa mid fudud laakiin muhiim ah: Dhaqaalaha casriga ahi ma weydiiyo waxa aad haysato; wuxuu ku weydiiyaa sida aad uga faa’iidaysato waxa aad haysato.
Kalluunka Soomaaliyeedna waa tusaale cad. Xitaa marka la cuno ka dib, weli wuxuu leeyahay sheeko dhaqaale oo sii soconeysa.